Guddiga Qaran ee maalmaha Xoriyadda oo Muqdisho ku shiray.

0
83

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Quddiga Qaran ee Qabanqaabada Dabaaldagayada Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya ayaa Kulan ku Yeeshay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen xubnaha guddiga ee wasiirrada ah, hey’adaha amniga iyo gobolka Banaadir ayaa la iskula meeldhigay qabanqaabada, bandhigyada iyo guud ahaan howlaha xuska maalmaha qaran ee Xoriyadda in ay noqdaan kuwo si weyn loogu diyaar garoobay.