Israa’iil oo weerartay xarunta UNRWA ee Qaza

0
81

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada Israa’iil ayaa weerar ku bartilmaameedsaday xarunta gargaarka ee Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ee magaalada Qaza, Ugu yaraan 4 qof ayaa halkaasi lagu dilay.

Agaasimaha isgaarsiinta ee hay’adda UNRWA Juliette Touma ayaa sheegtay in ay baarayaan weerarka dhacay ka hor inta aynan macluumaad dheeraad ah bixin.
Waxay xustay in tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, weerarro is daba jooga loo gaysanayay shaqaalaha hay’adda iyo dhismayaasheeda.

Touma ayaa intaasi ku dartay in muddadan gudaheeda la dilay 193 ka mid ahaa howlwadeennada hay’adda UNRWA.

Tan iyo Bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha Israa’iil ay weli ka wado Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 37,598 ruux halka la dhaawacay 86,032 kale.