Jubbaland oo si adag uga hadashay ganacsatada bulshada ka iibisa raashinka dhacay.

0
79

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland oo kaashanaysa Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshada, Hay’adda Tayadhowrka iyo waaxda caafimaadka ee Hay’adda Nabadsugidda ayaa maanta warbaahinta Dowladda usoo bandhigay xogta raashin tayadiisu aysan wanaagsaneen oo ku keydsanaa qaar kamida Bakhaarada ku yaala suuqyada magaalada Kismaayo.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, Saraakiil ciidan iyo xubno kale ayaa tagay mid kamida goobaha dabagal badan oo la sameeyay lagu soo ogaaday in uu yaalo bur badan oo tayadiisu ay xumaatay ka gadaal markii bakhaar lagu keydiyay kadibna albaabada loo laabay.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya