Duleedka Magaalada Kismaayo oo lagu gubay bur hallaabay.

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa maanta duleedka waqooyi ee Kismaayo ku gubtay 738-kiish oo Bur ah, kaas oo ku soo xumaaday gudaha markabkii u soo siday Magaalada Kismaayo.

Goobta lagu gubayay Burka tayadiisu xumaatay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland.

Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad.ayaa kawaramaya