Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa shaaciyay in xisbiga ANC uu ku dadaali doono sidii loo soo dhisi lahaa maamul dowladeed oo ka turjumaya midnimada wadankaasi.
Ramaphosa ayaa arrinkan sheegay xilli uu guddiga qaran ee fulinta ee xisbiga ANC uu kula kulmay magaalada Johannesburg.
Mas’uuliyiinta ayaa ka arrinsanayay sida ay u oggolaan karaan istaraatiijiyad la adeegsan doono si loo muujiyo rabitaanka dhammaan shacabka Koonfur Afrika oo ay ka mid yihiin codbixiyeyaashii taageeray xisbiyada kale ee loollanka madaxtinnimo looga guulaystay.
Cyril Ramaphosa ayaa xusay in ay ku heshiiyeen in la casuumo madaxda xisbiyada kale ee wadankaasi ka jiro si horay loogu sii socdo maadaama doorashooyinkii laga gudbay.