Premier League Oo Go’aan Ka Gaadhay Isticmaalka VAR Xilli-ciyaareedka Soo Socda.

0
66

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa isku raacay in lasii wado isticmaalka aaladda muuqaalka garsoorka caawiya ee VAR oo ay si weyn uga soo horjeedsatay mid ka mid ah kooxaha Ingiriisku.

19 kooxood oo horyaalka Premier League ah ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyey in VAR ay kasii shaqayso horyaalka Premier League, waxaase kasoo horjeedsatay Wolves oo ahayd kooxda marka horeba keentay mooshinka ah in meesha laga saaro adeegsiga VAR.

Wolves oo soo bandhigtay qaladaad badan oo ay samaysay VAR xilli-ciyaareedkii tegay, isla markaana hal kulan oo kaliya laga diiday saddex rikoodhe, iyagana lagu dhigay rikoodheyaal aan daliil badan lahayn, ayaa hadda uu ka fashilmay mooshinkeedu.

Kaddib markii ay go’aankan isku raaceen kooxaha Premier League, madaxa garsoorka Premier League ee PGMOL ee Howard Webb ayaa saxaafadda u sheegay in ay samayn doonaan lix isbeddel oo qaabka loo adeegsado aaladda VAR, isla markaana ay yarayn doonaan qaladaadkii badnaa ee ka iman jiray dhinaca aaladdan oo ay garsooreyaashu ku go’aan qaataan.