Masuuliyin katirsan Gobolka Jubada hoose oo kormer ku tagay deegaanada dhaca waqooyiga Kismaayo.

0
66

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gudoomiyaha Gobolka Jubada hoose Xassan Cabdi Guure iyo masuuliyiin kale ayaa booqday deegaanada dhaca waqooyiga Kismaayo, halkaas oo horay ay ugu soo barakaceen dadkii ay sameysay fatahaadi Elnino ee ku dhufatay deegaanada Jubbaland.

Dadki kasoo barakacay fatahaada ayaa dib ugu laabtay deegaanka Istanbuul, Wirkooy, Far Waamo iyo deegaana kale.

Ujeedka booqashada masuuliyiinta ayaa eheyd u kuur galidda xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkaasi dib ugu laabtay deegaanadi ay horay uga soo barakeceen iyo sidi wax loogu qaban lahaa.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa faah-faahineysa