TOP 50: Kontonkii Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Manchester United Oo La Shaaciyey – Yaa Ku Jira Yaase Ka Maqan?

0
91

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kontonkii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la shaaciyey, iyadoo lagu kala saaray qiimayn la xidhiidha guulahoodii, bandhigyadii ay garoomada ka sameeyeen iyo xataa saamayntoodii guud.

Red Devils oo ah kooxda ugu guulaha badan horyaalka Premier League oo ay 20 jeer ku guuleysatay, waxay nasiib u yeelatay in muddo 27 sannadood ah oo uu laylinayay Sir Alex Ferguson ay gacanta ku dhigto xiddigaha ugu wanaagsan Ingiriiska, taas oo keentay in muddadaas ay ku guuleystaan 13 horyaal oo Premier League ah.

Qiimayntan lagu sameeyey xiddighihii Manchester United ayaa waxa kasoo dhax muuqda jiilkii dahabiga ahaa ee 1992kii uu Old Trafford ka dhisay Ferguson, sida Gary Neville, David Beckham, Ryan Giggs iyo Paul Scholes oo dhamaantood kasoo dhex muuqda.

Waxa kale oo ku jira halyeeyadii waaweynaa ee George Best iyo Bobby Charlton, laakiin Ryan Giggs ayaa ku garaacay kaalinta koowaad, isaga oo labadan ruug-cadaa hoos u riday.

Giggs oo sannadkii 1991kii kulankiisii koowaad u saftay Manchester United oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay ayaa 23 sannadood oo uu ka ciyaarayay Old Trafford waxa uu sameeyey wax walba oo suurtogal ah, waana ciyaartoyga ugu safashada badan Red Devils isaga oo u dheelay 963 ciyaarood.

Waa kuwan 50ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa taariikhda Manchester United

50. David Herd (1961-68)

49. Teddy Sheringham (1997-2001)

48. George Wall (1906-1915)

47. Stan Pearson (1935-1954)

46. Harry Gregg (1957-1966)

45. Paddy Crerand (1963-1971)

44. Jaap Stam (1998-2001)

43. Paul Ince (1989-1995)

42. Dwight Yorke (1998-2002)

41. Billy Meredith (1906-1921)

40. Johnny Carey (1936-1953)

39. Brian Kidd (1967-1974)

38. Brian McClair (1987-1998)

37. Arthur Albiston (1974-1988)

36. Michael Carrick (2006-2018)

35. Sammy McIlroy (1971-1982)

34. Andy Cole (1995-2001)

33. Alex Stepney (1966-1978)

32. Edwin van der Sar (2005-2011)

31. Ole Gunnar Solskjaer (1996-2007)

30. Gary Pallister (1989-1998)

29. Nobby Stiles (1960-1971)

28. Norman Whiteside (1982-1989)

27. Steve Bruce (1987-1996)

26. Martin Buchan (1972-1983)

25. Mark Hughes (1980-1986, 1988-1995)

24. Dennis Viollet (1953-1962)

23. Nemanja Vidic (2006-2014)

22. Ruud van Nistelrooy (2001-2006)

21. Jack Rowley (1937-54)

20. Bill Foulkes (1950-1970)

19. Denis Irwin (1990-2002)

18. David Beckham (1993-2003)

17. Rio Ferdinand (2002-2014)

16. Tommy Taylor (1953-1958)

15. Roger Byrne (1951-1958)

14. David de Gea (2011-present)

13. Gary Neville (1992-2011)

12. Peter Schmeichel (1991-1999)

11. Bryan Robson (1981-1994)

10. Roy Keane (1993-2005)

9. Cristiano Ronaldo (2003-2009, 2021-2022)

8. Wayne Rooney (2004-2017)

7. Eric Cantona (1992-1997)

6. Duncan Edwards (1953-58)

5. Paul Scholes (1993-2011, 2012-2013)

4. Denis Law (1962-1973)

3. Bobby Charlton (1956-1973)

2. George Best (1963-1974)

1. Ryan Giggs (1987-2014)