Sidee Ayey Ku Dhacaysaa? Talyaaniga Oo Ay LIX Kooxood Uga Qayb-gelayaan Tartanka Champions League

0
88

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta AS Roma oo ku jirta kaalinta lixaad ee horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ayaa kasoo qayb-geli doonta tartanka Champoions League ee xilli-ciyaareedka dambe, haddii Atalanta ay guul-darraysato usbuuca soo socda oo ay ka dhacdo sallaanka shanta sare.

Atalanta oo ku guuleysatay tartanka Europa League, ayaa si toos ah uga soo qayb-geli doonta Champions League xataa haddii ay meel hoose ku jirto, sida uu dhigayo sharciga cusub ee UEFA.

Talyaaniga ayaa hore loogu xaqiijiyey in ay shan kooxood uga soo qayb-geli doonaan tartanka Champions League iyadoo laga eegayo qiimaynta hal-beeg ay dejisay UEFA markii ay 36ka kooxood ka dhigtay tirada kooxaha ka qayb-gelaya Champions League oo hore u ahaan jiray 32 kooxood.

Horyaalka Talyaaniga oo ay ku guuleysatay Inter Milan, ayaa waxa labaad gashay AC Milan, iyadoo Bologna iyo Juventus ay saddexaad iyo afraad ku dhamaysteen, waxaana shanaad fadhida Atalanta oo ku guuleysatay Euroap League.

Horyaalka Talyaaniga oo lasoo gabogabaynayo toddobaadkan, waxaana haddii ay Atalanta guul-darraysato oo ay kaalinta lixaad u dhacdo isla markaana AS Roma ay soo gasho shanaad, ay noqon doontaa in Talyaanigu uu lix kooxood ku yeesho tartanka Champions League.

Atalanta ayaa waxa ay hadda leedhaay 66 dhibcood iyadoo dheeshay 36 kulan oo ciyaarteeda baaqiga ah waajihi doonta Juventus ka hor inta aanay ciyaarta ugu dambaysa ee horyaalka lagu soo xidhayo dheelin, halka Roma oo lixaad fadhida ay haysato 63 dhibcood.

Roma ayaa u baahan in ciyaarteeda ugu dambaysa horyaalka ay guuleysato, sidoo kalena laga badiyo Atalanta labada ciyaarood ee u hadhsan isla markaana laga dhaliyo wax ka badan toddoba gool.