Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka Qorshaha Farsamo ee xal-u-helida Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir, xafiiska QM ee Soomaaliya iyo Hey’adda IOM.
Madashaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada G/Banaadir, Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Haya’adda IOM iyo xubno farsamo oo ka socday Wasaaradda Qorsheynta XFS, ayaa Lagu daah-furay Barnaamijka Qorshaha Farsamo ee xal-u-helida Barakacayaasha.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa fah-faahineysa