Sababta Rasmi Ah Ee Ka Danbeysay In Mauricio Pochettino Laga Ceyriyo Chelsea Oo La Shaaciyay

0
60

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa haatan la shaaciyay waxa rasmiga ah ee dhacay ka hor inta aysan Chelsea iyo tababare Mauricio Pochettino go’aansanin inay kala tagaan kaliya hal xilli ciyaareed uu kooxda joogay.

Kooxda ayaa shaacisay xalay oo Talaado aheyd inay kala tagayaan tababare Pochettino ka dib markii ay kooxda ku dhameysatay kaalinta lixaad ee Premier League.

Tababaraha reer Argentina ayaa bayaan uu soo saaray ka dib markii uu shaqada ka tagay waxa uu ku yiri: “Waxaan u mahadcelinayaa milkiilayaasha Chelsea, agaasimayaasha kooxda oo fursad ii siiyay inaan qeyb ka noqdo taariikhda kooxdaan.

“Kooxda waxay haatan boos fiican ugu jirtaa inay horay ugu socoto Premier League iyo tartamada Yurub sannadaha soo socda.”

Dad badan ayay lama filaan ku aheyd warkaan, madaama Chelsea ay si fiican ku dhameysatay xilli ciyaareedka halka Pochettino uu qaab ciyaareed fiican ka soo saaray Cole Palmer oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican horyaalka.

Wargeyska Telegraph ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta rasmiga aheyd ee ka danbeysay inay go’aankaan qaataan Chelsea iyo Pochettino.

Sida uu wargeyska sheegay ma jirin qilaaf ku saabsanaa cida masuul ka noqoneysa suuqa kala iibsiga ama cida go’aansaneysa in ciyaartooy la soo iibiyo ama la iska iibiyo.

Arinta la isku qilaafay ayaa aheyd mid la xiriirta qaabka shaqada kooxda iyo sida loogu horumarin karo kooxda laga bilbaabo xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu yiri: “Cidna ma aysan dooneynin inay go’aan degdeg ah qaadato si aan hadhow looga qoomameynin sidaasi darteed madaxda Chelsea iyo Pochettino waxay isku afgarteen inay kulan kale isagu yimaadaan subaxnimada Sabtida si la isagu waafaqo qaabka kooxda loo maamulayo.

Madaama labada dhinac aysan waxba ka bedelin booskiisa ay taagnaayeen maalintii labaad ee wadahadalka, kooxda ayaa ugu danbeyn gaartay go’aan ah inay fiican tahay in Pochettino uu ka tago Stamford Bridge haatan bedelkii uu ku bixi lahaa si fool xumo badan xilli ciyaareedka soo socda.

Maamulka kooxda iyo Pochettino ayaa isku aragti ka noqon waayay qaabka horay loogu wadi karo kooxda taasoo keentay inay go’aansadaan inay kala tagaan.