Liverpool Oo Shaacisay Waqtiga Uu Tababaraheeda Cusub Shaqada Bilaabayo

0
109

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday tababaraheeda cusub ee u beddelaya Jurgen Klopp oo shalay la macasalaameeyey, isla maantana bilaabay inuu ka guuro waddanka Ingiriiska.

Liverpool ayaa waxa ay sheegtay in tababaraheeda cusub u magacowday Arne Slot oo u beddeli doona Jurgen Klopp, kaas oo toddobaadkii hore saxaafadda usii sheegay inuu noqonayo macallinka cusub ee Liverpool.

War-saxaafadeed ay soo saartay Liveprool ayaa ay ku sheegtay, in Arne Slot uu shaqadiisa bilaabi doono July 1, inkasta oo ay ku xidhnaan doonto waqtiga uu helo warqadda ogolaanshaha shaqada oo kaga xidhnaan doonta dawladda Ingiriiska.

Ciyaartoyda Liverpool ayaa dhamaantood galay fasax ay ku maqnaan doonaan illaa bisha July, waxaana intooda looga yeedhay xulalkooda qaramada Yurub ee Euro 2024 iyo Copa America ay tegi doonaan dalalkooda halka kuwa kalena ay qoysaskooda waqti u heli doonaan.

Horraanta bisha July ayay ciyaartoyda aanay dalalkoodu ka qayb-gelaynin ciyaaraha Euro 2024 iyo Copa America ay dib ugu soo noqon doonaan Anfield oo ay ka bilaabi doonaan tababarka isku-diyaarinta xilli-ciyaareedka cusub, waxaana caynaanka u qaban doona Arne Slot.

Tababarahan reer Netherlands oo khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxaha NAC Breda, Sparta Rotterdam iyo PEC Zwolle ayaa kabaha tiiriyey sannadkii 2013, waxaanu isla waqtigaas bilaabay shaqada tababarka oo uu kooxaha da’yarta hoggaanka u qabtay.

Kooxda PEC Zwolle ayaa uu si ku-meelgaadh ah tababare ugu noqday markiisii koowaad ee uu shaqo kooxda koowaad ah qabto, waxaana ugu xigtay Cambuur, ka hor intii aanu la wareegin AZ Alkmaar oo uu usii dhaafay Feyenoord.