Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Pep Guardiola ayaa ilmeeyay ka dib markii uu maqlay Jurgen Klopp oo isaga ka hadlaya hadalkiisii uu ku macsalaameeyay Liverpool.
Klopp ayaa soo gabagabeeyay sagaal sannadood uu joogay Anfield isagoo kooxda ku macsalaameeyay guul 2-0 oo ay ka gaareen kooxda Wolves.
Tababarihii ay sida weyn ugu xafiiltamayeen Premier League waxa uu ahaa Guardiola iyadoo Liverpool ay tartan kula jirtay Man City sannadihii ugu danbeeyay.
Garoonka banaankiisa, Guardiola iyo Klopp waxaa ka dhaxeeyay is ixtiraam aad u weyn, sidaasi darteed lama filaan ma aheyn in tababaraha reer Liverpool uu ka hadlo Guardiola iyo guulaha uu gaaray.
Klopp ayaa yiri: “Guardiola waa tababaraha ugu fiican dunida… haddii aad tababare kale u dhiibto kooxdaas, kuma aysan guuleysteen afar horyaal oo isku xigta. Isaga iyo ciyaartoydiisa ayaa ugu wacan guulahaas”
Guardiola ayaa la weydiiyay waxa uu ka dhahayo hadalka Klopp ka dib markii ay Man City 3-1 kaga badisay West Ham oo ay markii afaraad oo isku xigta ku guuleysatay horyaalka Premier League.
Guardiola ayaa ilmeeyay ka hor inta uusan dhihin: “Wax badan ayaan u xiisi doonaa isaga. Jurgen waxa uu muhiim weyn u ahaa qeyb ka mid ah nolosheyda. Tababare ahaan wuxuu igu caawiyay inaan gaaro heer kale.
“Waxaan aaminsanahay inaan si weyn isku ixtiraamno – waxaan qabaa dareen ah inuu soo laaban doono.
“Waxaan kaliya ku dhahayaa waad ku mahadsan tahay hadaladii aad iga tiri, laakiin shaqsi ahaan wuxuu ogyahay inay jiraan waxyaabo badan oo ay kooxdaan i siiso haddii kale guulahaan ma aynan gaareen.
“Waqtiyo badan ayuu i caawiyay, waxa uu ahaa shaqsigii ugu weynaa ee aan la tartamo nolosheyda. Waqtiyo badan way igu adkeyd inaan la imaado taatiko aan ku ciqaabo iyaga sida ay iigu fududahay kooxaha kale. Aad ayay u adkeyd.
“Waan hubaa in Mikel Arteta iyo Arsenal ay sii wadi doonaan howshiisa oo ay inagu riixi doonaan heer kale.”