Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa magaalada ku taalla Koonfurta Qaza ee Rafah ka qaxay ilaa 600,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu sii xoogeysanaya duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Rafah iyo Waqooyiga Qaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Waqooyiga Qaza uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya Israa’iil iyo kooxaha aaggaasi.
Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in ay sii kordhaysa xiisadda u dhexeysa Masar iyo Israa’iil iyadoo ay xukuumadda Qaahira ka baaran degaysa in ay yareyso xiriirka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeeya Israa’iil.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 35,233 qof iyadoo la dhaawacay 79,141 kale.