Wax ka ogow nuxurka heshiiska waxbarashada ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Kenya

0
100

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Heshiiskii dhawaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku kala saxiixdeen Dawladdaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaa qayb ka ahaa heshiis dhinaca waxbarashada ah.

Heshiiska waxbarashada ayaa dhigayo in markii ugu horreysay ardayda dugsiyadda aasaasiga ah ku jirta ee labada waddan ay waxbarashadooda ka sii wadan karaan dalka ay doonaan.

Heshiiskan oo fulintiisa loo saaray guddiyo dhawra ayaa la filayaa in ardeyda ka baxda dugisyada sare ee Soomaaliya ay toos u gali karaan jaamacaddaha dalka Kenya.