Masar oo howgalka Israel ee Rafax ka digtay.

0
116

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Masar ayaa dhaleeceysay howgalka Israel ee Rafax, waxayna uga digtay in la wareegistooda goobta laga galo Rafax ay khatar ku tahay nolosha in ka badan hal milyan oo reer Falatiin ah kuwaas oo ku tiirsan gargaarka.

Sidoo kale waxay uga digtay Israel in aysan sameyn wax khatar ku ah “Dadaalka lagu doonayo in lagu gaaro xabad joojin waarta”.

Masar aad ayey arintan u daneyneysaa maadama ay dhexdhexaadineyso in Xamas iyo Israel ku heshiiyaan xabad joojin. Hadalka Masar waa mid mug weyn leh, waana dalka ugu muhiimsan carabta ee Israel la galay heshiis nabadeed.

Masar ayaa si weyn uga walaacsan waxa ka socda Gaza. Waxay wadaagaan xaduud iyadoo qeyb ka mid ah Rafax ay ku taal Masar, wayna maamulaan halka laga soo galo qeybtaas.

Sid weyn ay Masar u dhaleeceysay Israel waa wax ka jira gudaha dalkeeda. Dadka reer Masar si weyn ayey u taageersan yihiin Falatiin, waxaana jiray dibadbaxyo looga horjeedo Israel ilaa iyo markii uu dagaalka bilowday, mana dooneyso dowladda in dadka ay soo baxaan.