UEFA Oo Isbeddel Ku Samaysay Sharciga Tartanka Qaramada Yurub Ee Euro 2024

0
136

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isbeddel ku sameeyey sharciga tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha dambe ka furmi doona waddanka Germany, waxaana meesha laga saaray sharci muddo dheer walaac kusoo hayay tababareyaasha iyo ciyaartoyda.

UEFA ayaa waxa ay ansixisay in si rasmi ah loo isticmaalo sharci ku-meelgaadh ahaan loosoo rogay waqtigii uu jiray COVID-19, markaas oo halis badan oo ay ciyaartoydu dareemayeen loo kordhiyey tirada ciyaartoy uu xul kastaa la tegayo tartankan.

War-saxaafadeed uu Jimcihii maanta soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa lagu sheegay, in guddida farsamadu ay go’aamiyeen in tirada ciyaartoy uu xul kastaa usoo gudbinayo UEFA ee tartanka EURO 2024 uga qayb-gelaysa ay noqdaan 26 ciyaartoy, halkii ay hore uga ahaayeen 23 ciyaartoy.

Sharcigan cusub kuma waajibinayo xulalka inay dhamaystiraan 26ka ciyaartoy, laakiin waxa loo ogolaanayaa in ay xataa lasoo shir tegi karaan 23kii ciyaartoy ee hore uu sharcigu u dhigayey, laakiin liiska kama dambaysta ah ayaa waxa waddamadu ay soo gudbin doonaan June 7.

Xulka qaranka England ayaa si weyn usoo dhoweeyey kordhinta tirada ciyaartoyda, waxaana uu tababare Gareth Southgate heli doonaa fursad uu kusoo xusho saddex ciyaartoy oo dheeraad ah, halkii uu markii hore daraasayn ku samaynayey 23 ciyaartoy oo uu mar horeba go’aankooda sii gaadhay, inkasta oo aanu saxaafadda la wadaagin.