OCHA oo eedeyn u jeedisay Israa’iil

0
84

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda arrimaha baniaadannimo ee (OCHA) ayaa sheegay in Israa’iil ay is hor taagtay in bishii Afaraad ee sanadkan gargaar muhiim ah la geeyo waqooyiga Qaza.

OCHA ayaa intaasi ku dartay in kastoo la furay marin cusub , haddana in aan la haqabtiri karin baahida jirtay muddo 6 bilood ah haddii uunan gurmadka u socon si joogto ah.

Dhanka kale madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF , Catherine Russell ayaa sheegtay in 600,000 oo carruur ah ay ka mid yihiin dadka tirada badan ee ay hooy u tahay magaalada Koonfureed ee Rafah sidaasi awgeedna haddii ay Israa’iil magaaladaasi ka fuliso duullaan militari ay xaaladdu sii adkaan doonto.