Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iskuulka hoose iyo dhexe ee Al-Xikma ayaa laga hirgaliyay Degmada Afmadow kaas oo ay wax ku bartaan Carruurta danyarta iyo kuwa agoonta ah oo aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka waxbarashada.
Dugsigan oo baahi weyn loo qabay ayaa waxaa hirgaliyay Jaaliyada Qurba Joogta ee Degmada Afmadow.
Qaar kamid ah Ardayda wax ka dhigta dugsiga ayaa u mahadceliyay dadkii doorka weyn ka qaatay hirgalinta dugsiga.
Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad.ayaa warbixintan ku eegeya