Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya.

0
109

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumadda Soomaaliya dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya