Narendra Modi oo jeediyay hadal Islaam nacayb.

0
103

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xisbiyada mucaaradka ee India ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha, Narendra Modi, inuu hadal Islaam nacayb ah ka jeediyay isu soo bax doorasho.

Khudbadiisa, Mr Modi waxa uu ku eedeeyay in haddii xisbiga mucaaradka ah ee Congress-ka la doorto uu hantida qaranka u qaybin doono kuwa dadka aan daacad u ahayn dalka iyo kuwa haysta carruur badan – faallooyinka loo arko inay ula jeedaan bulshada laga tirada badan yahay ee Muslimiinta.Hogaamiyaha xisbiga Congress-ka (Mallikarjun Kharge) ayaa hadalka Mr Modi ku tilmaamay hadal naceyb oo argagax leh.

Xisbiga ra’iisul wasaaraha Hinduuga ee BJP ayaa rajeynaya inuu ku guuleysto mar saddexaad oo xiriir ah.Doorashada hindiya ayaa socon doonta muddo lix isbuuc ah. Ilaa iyo hadda wax jawaab ah xisbiga BJP kama soo saarin dhaleceynta mucaaradka.