Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk ayaa ku baaqay in waddamada ku lugta lahaa ay qaadaan tillaabooyin la taaban karo oo magdhow lagu diinayo, dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee la addoonsaday ama addoonsi ahaan looga ganacsaday.
Hadalkaan ayuu Jimcihi ka sheegay, gaba gabadi kulan afar maalin xarunta Qaramada Midoobay uga socday Madasha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Dadka Afrikaanka ah ee loo soo gaabiyo (PFPAD).
Lama oga sida loo bixi doono magdhaw, iyo in dalalka reer Yurub ee arrintaasi ku lugta lahaa ay aqbali doonaan.
Holland ayaa raalli gelin ka bixisay doorki ay ku laheyd ka ganacsidi dadki la addoonsaday ee Africa, isla markaana ballan qaadday in ay bixin doono 200 oo milyan oo yuro oo magdhaw ah.
Ingiriiska, wuxuu sheegay inuu qirayo doorki ay ku lahaayeen ka ganacsiga dadki la addoonsaday, balse uusan qorshaha ugu jirin inuu magdhaw bixiyo.