Chelsea Oo Xajisan Weyday Guul Gacanteeda Ku Jirtay, Tottenham Oo Afraad Timid Iyo Wixii Maanta & Caawa Ka Dhacay Horyaalka Premier League

0
154

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa maanta iyo caawa ka dhacay isbeddello saameeyey figta sare iyo meelaha dhexe ee miiska kala-sarraynta kaddib natiijooyinka saddex kulan oo dhacay oo laga diiwaangeliyey dhacdooyin kala duwan.

Chelsea ayaa duntay oo lumisay guul gacanteeda ku jirtay ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ee ciyaar ay maryo dhiigleh kala furteen kooxda ugu hoosaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, taas oo dhibicdii ay ka heshay Blues ay ugu soo dallacday kaalinta sagaalaad ee miiska kala-sarraynta.

Gool uu daqiiqaddii 11aad ee bilowga ciyaarta dhaliyey Thiago Silva ayay Chelsea ku heshay hoggaan waqti hore ahaa, iyadoo Blues ahayd kooxda awoodda badan ee inta badan ciyaarta daadahaynaysay, laakiin Jayden Bogle ayaa keenay goolka barbarraha ee kooxda sagxadda hoose ka fadhida horyaalka Premier League isla qaybta hore.

Chelsea oo ciyaarta si weyn u maamulaysay ayaa waxa ay awood u yeelatay inay keento gool labaad oo uu u dhaliyey Noni Madueke qaybta labaad, waxaana ay 90ka daqiiqadood ee ciyaartu dhamaadeen iyadoo Blues 2-1 ku hoggaaminaysa ciyaarta, balse musiibada ayaa timid markii ciyaarta lagu daray dhawr daqiiqadood oo dheeraad ah.

Sheffield United ayaa uu nasiibku si weyn u saaciday, waxaana kubbad uu daqiiqaddii 90+3 kasoo shaqeeyey Cameron Archer shabaqa ku leexiyey Oliver Mcburnie oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Chelsea oo toddobaadkii hore kusoo laabatay jidka guusha ee markii ay saddex dhibcood ka qaadatay Manchester United, ayaa kufitaankeedu uu keenay inay kaliya soo gasho kaalinta 9aad inkasta oo ay Wolves iyo Brighton & Hove Albion oo hadda u dhacay 11aad iyo 10aad.

Dhinaca kale, Tottenham ayaa si buuxda ula wareegtay kaalinta afraad ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League markii ay caawa 3-1 ku karbaashtay Nottingham Forest oo noqotay waddo ay ciyaartoyda Spurs si fudud marba meel ugaga sii gudbayeen kulan ay Spurs hoygeeda joogtay.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Murillo oo isku qabtay kubbad uu doonayey inuu ka difaaco Nottingham Forest, Van De Ven iyo Pedro Porro ayaa Tottenham siiyey libinta waxaanay yeesheen 60 dhibcood iyagoo farqiga dhibcaha ku dhaafay Aston Villa oo saddex ciyaarood oo xidhiidh ah guul la’aan ahayd.

Geesta kale, waxa waqti hore oo maanta ah barbarro niyad jab ku ahaa koox walba ku dhamaystay Manchester United iyo Liverpool oo 2-2 ku kala baxay.

Ciyaartan ayaa waxa hoggaanka furatay Liverpool oo uu qaybtii hore gool u dhaliyey Luis Diaz, balse Manchester United ayaa qaybta dambe is-raacisay laba gool oo uu midkood ahaa hadiyad ay bixiyeen difaaca Liverpool, ka hor intii aan dhamaadka ciyaarta rikoodhe loo dhigin Elliott oo uu gool u beddelay Mohamed Salah.

Natiijada kulankanna waxa uu saamayn ku yeeshay kaalinta koowaad oo hadda ay Arsenal si buuxda u hayso inkasta oo ay isku dhibco yihiin Liverpool oo farqiga goolasha labaad ugu soo dhacday.