Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa labadii daqiiqadood ee ugu dambeeyey waqtigii dheeraadka ahaa guul kaga gaahday Manchester United oo ay ku garaacday garoonka Stamford Bridge, waxaanay usoo dallacday kaalinta 10aad ee miiska kala-sarraynta Premier League.
Ciyaartan oo ay taageereyaasha Chelsea u dhowaadeen inay iskaga dareeraan garoonka markii ay Manchester United ka daba keentay laba gool oo waqti hore ay u kala dhaliyeen Conor Galalgher iyo Cole Palmer, isla markaana waliba dhaaftay oo keentay gool saddexaad.
Musalsalka ka dhacay Stamford Bridge ayaa waxa uu yeeshay waji saddex jeer oo kala duwan oo ay markii hore u muuqatay Chelsea inay guuleysanayso, mar kale ay Manchester United hoggaanka qabatay halka ugu dambayntiina ay Chelsea libinta la hoyatay.
Daqiiqaddii afraad ayaa Chelsea ay keentay gool uu u dhaliyey Conor Gallagher oo dhamaystiray kubbad degdeg ahayd oo ay ugu muuqdeen inay waqti hore keenayaan libinta.
Qalad uu galay Antony ayaa waxa ay keentay in rikoodhe lagu dhigay kooxdiisa oo uu gool u beddelay Cole Palmer daqiiqaddii 17aad ee ciyaarta.
Manchester United ayaa si adag u dagaallantay oo keentay labada goolba, waxaana goolal qurux badan u dhaliyey daqiiqadihii 34aad iyo 39aad oo ay u kala dhaliyeen Alejandro Garnacho iyo Bruno Ferdnandes.
Qaybta labaad ayay Manchester United keentay gool saddexaad oo uu u dhaliyey Alejandro Garnacho oo madax ku qabtay kubbad uu ka helay Antony.
Intaas kaddib waxa isbeddeshay ciyaarta iyadoo taageereyaasha Chelsea ay bilaabeen in ay qaarkood iskaga dareeraan garoonka.
Daqiiqaddii 90+6aad ayay nasiib-darro ku dhacday Manchester United, waxaana rikoodhe uu sameeyey qalad sababay in rikoodhe lagu dhigo kooxdiisa, iyadoo daqiiqaddii 90+10aad uu gool u beddelay Cole Palmer oo ciyaarta ka dhigay 3-3.
Hal daqiiqo kaddib ayaa weerar degdeg ahaa oo ay soo qaadday Chelsea waxa gool u beddelay Cole Palmer oo ciyaarta ka dhigay 4-3.
Guushan musalsalka ah ayaa waxa ay keentay in Manchester United ay lumiso saddex dhibcood oo gacantooda ku jiray waqtigii dhimashada, iyadoo ay gabaabsi noqotay fursaddii ay Red Devils ku hiigsanaysay kaalinta afraad oo hadda u jirta 11 dhibcood.