Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland mudane Aadan Faarax Gaarane ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay Wasaaraddu isugu yeertay golaha dhalinyarada degmada Kismaayo, haweenka degmada, odayaasha dhaqanka Jubbaland iyo maamulka degmada kismayo.
Kulanka ayaa ku saabsanaa wacyi gelin ku aadan saameynta daadadka roobka ay ku yeelan karaan bulshada reer Jubbaland, waxa ay sidoo kale kulankaani Wasarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland kuso bandhigtay wax yaabihii u qabsoomay Wasaarada xiliyadii adkaa ee ay jireen daadadkii roobka iyo fatahaadi Ellino.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawamaya