Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada Galmudug oo kaa shaneysa Hay’adda UNDP ayaa soo qaban qaabisay kulan mudo laba maalin ah ka socday Magaalada Dhusamareeb islamarkaana lagu falaqeynayay Horumarinta talaabooyinka la qabsiga Isbadalka Cimillada.
kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradaha wadashaqeynta la leh Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada ururada Bulshada rayidka ah Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.
Maxamed Yuusuf Cali iskuduwaha Galmudug ee Mashruuca Qaran ee Isbadalka Cimillada ayaa Sheegay in kulankan uu dabo socdo xog uruurin ay sameeyeen Bishii kowaad ee Sanadkan 2024.
Xasan Maxamed Cabdullahi.ayaa kawarramaya