Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tan iyo 7-dii Oktoobar, magaca hoggaamiyaha caanka ah ee Falastiiniyiinta ee dhaqdhaqaaqa Al Fatax, Marwaan Barguuti oo 66 jir ah ayaa mar kale lagu sheegay qof ay u badan tahay in uu qabto xilka madaxtinimada maamulka Falastiin, xilli dhaqdhaqaaqa Xamaas uu ku adkeysanayo in ninkani ka mid noqdo hoggaamiyeyaasha lagu sii daynayo heshiis kasta oo cusub oo maxaabiis isdhaafsi dhex mara iyaga iyo Israa’iil.
Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, Usaama Xamdaan, ayaa laanta afka carabiga ee BBC-da u sheegay, “Anaga dhaqdhaqaaq ahaan waxaanu qaadannay mawqif cad oo aanu weli ku dheggannahay, kaas oo ah in la sii daayo dhammaan maxaabiista iyo dadka ku jira xabsiyada [Israa’iil] iyadoo aan la kala reebayn.”
Xamdaan waxa uu intaa ku daray, “Waxaan u aragnaa arrintan in ay tahay arrin muhiimad qaran leh, maadaama dhammaan maxaabiista Falastiin ay tahay in si isku mid ah loola dhaqmo, taasina waxay ahayd tii aanu dhab ahaan u samaynay daacadnimada hawl-galkii Xorriyadda ee [Magaca Xamaas] Hawlgalkii ay isku weydaarsadeen askariga Israa’iil Gilad Shalit iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira xabsiyada Israa’iil.” .
Wuxuu ku dhashay 1958 tuulada Kobar, oo u dhow magaalada Ramallah, Marwaan wuxuu jiray ku dhawaad sagaal sano markii Israa’iil ay qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus intii lagu jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967.
Isaga oo 15 jir ah waxa uu ka mid noqday dhaqdhaqaaqii Fatax ee Alle ha u naxariistii Yaasir Carafaat.
Sannadkii 1978-kii, waxaa xabsiga Israa’iil loogu xukumay in ka badan afar sannadood oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay koox Falastiini ah oo hubaysan.
Marwaan Barguuti waxa uu dhamaystay waxbarashadiisii sare waxa uuna bartay afka Cibraaniga ee Israa’iil intii uu xabsiga ku jiray, kadib markii la sii daayay 1983-kii waxa uu shahaado ka bilaabay jaamacada Birzeit.
11 sano oo kale ayay ku qaadatay in uu waxbarashadiisa dhammeeyo, si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku sii jiray firfircooni siyaasadeed, wuxuuna noqday xubin hormuud ka ah “ilaalada da’da yar” ee Fatax, kaas oo soo caan baxay markii dhaqdhaqaaqa aasaasiga ah, oo ay ku jiraan Yaasir Carafaat iyo Maxamuud Cabbaas, laga saaray Lubnaan iyo Tunisia.
Dabadeed, 1987-kii, Falastiiniyiintu waxay bilaabeen kacdoon ay kaga soo horjeedaan qabsashadii Israa’iil, taas oo loo yaqaannay Intifada-dii ugu horreysay, ama kacdoon. Marwaan waxa uu kusoo baxay hogaamiyaha Daanta Galbeed, waa dambana waxaa loo masaafuriye Urdun.
Sida uu qoray wargeyska Maariv ee Israa’iil ka soo baxa, Al-Barguuti waxaa laga soo wareejiyay xabsiga Ofer, waxaana loo wareejiyay xabsi kale, oo uusan magacaabin, waxaana la dhigay xabsi-kali bishii Febraayo ee la soo dhaafay, ka dib markii “Adeega Xabsiyada Israa’iil ay heleen macluumaad muujinaya in Al-Barguuti ka shaqaynta dhawr waddo oo lagu kicinayo qalalaasaha Daanta Galbeed iyo “Isku day in ay shido intifada saddexaad.”
Wasiirka Amniga Qaranka ee garabka midig ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir, ayaa soo dhaweeyay in Barguuti lagu xidho meel cidlo ah mar kale, halka dowladda Israa’iil ee uu hoggaamiyo Binyamin Netanyahu ay diiday xal kasta oo caalami ah oo la soo jeediyay si loo dhiso dowlad Falastiin ah.
“Guddiga arrimaha maxaabiista Falastiiniyiinta iyo maxaabiistii hore,” oo cambaareeyay u wareejinta Barguuti ee xabsiga keligiis ah, ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Barguuti laga soo wareejiyay Disembar xabsiga Ofer loona xawilay xabsigakeliyeynta ee Ayalon-Ramla, ka dibna loo wareejiyay xabsiga kale ee Rimonim bishii Febraayo halkaas oo isna qol cidlo ah lagu gooni yeelay.
Israa’iil ayaa ilaa hadda diiday in ay sii deyso Marwaan, kaas oo bilaabay dhaq-dhaqaaqiisa siyaasadeed xilli hore markii uu noqday dhaqdhaqaaqe ka tirsan uruka Al Fatax, ee uu hoggaaminayey Yaasir Carafaat, isaga oo shan iyo toban jir ah.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa BBC-da u sheegay in Marwaan Barguuti – oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil tan iyo 2002 – laga yaabo in ay tahay “ikhtiraac la isku raacsan yahay” si uu ula wareego maamulka Falastiiniyiinta oo uu u diyaargaroobo Falastiin la aqoonsan yahay oo soo socota, haddii heshiis la gaaro.
Marwaani ayaa lagu xiray hawlgalkii Operation Defensive Shield oo dhacay sanadkii 2002-dii, markaasoo Israa’iil ay ku eedeysay inuu aasaasay Guutada Shuhadada ee Al-Aqsa, kuwaasoo fuliyay howlgallo kala duwan oo ka dhan ah askarta Israa’iil iyo dadka xoogga lagu dajiyey dhulka Falastiiniyiinta. Waxaa lagu xukumay shan xabsi daa’im ah iyo 40 sano oo xarig ah. Halka Marwaan uu diiday in uu aqoonsado awooda maxkamada Israa’iil.
Rabitaanka Xamaas ee ah in la sii daayo Marwaan ma aha mid cusub. Waxaa laga yaabaa in kuwa ugu caansan ay tahay war-saxaafadeed uu madaxa xafiiska xiriirka Carabta iyo Islaamka ee Xamaas, Khaliil al-Xayaa, lagu daabacay kanaalka Telegram ee ururka bishii Nofembar 2021, kaas oo uu ku yiri, “Waxaan raadineynaa inaan helno Taliye Marwaan Barghouti iyo Taliye Axmed Saadaat [Xoghayaha Guud ee Jabhadda caanka ah ee Xoreynta Falastiin] ayaa ka mid ah magacyada heshiiska isdhaafsiga.”
Sannadkii 2011, Israa’iil waxay diiday in ay sii deyso Marwaan, taasoo qayb ka ahayd heshiis ay ku beddeshay askariga Israa’iil, Gilad Shalit, maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyada, heshiiskaas oo la sii daayay hoggaamiyaha hadda ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, Yaxya Sinwaar.






