Madaxweynaha Senegal oo sheegay inuu xafiiska banneyn doono bisha Afaraad ee sanadkan.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dalka Senegal ,Macky Sall ayaa sheegay inuu xafiiska banneyn doono bisha Afaraad ee sanadkan oo uu muddo xileedkiisu ku egyahay.

Hasa ahaate ma uunan shaacin taariikhda la qabanayo doorashada madaxtinnimo oo horay loo qorsheeyay inay qabsoonto Axadda.

Sall, oo labo xilli soo hoggaaminayay Senegal ayaa sheegay in uunan mar kale tartami doonin balse waxaa uu dib u sii dhigay xilliga doorashada ilaa bisha 12-aad ee Diseembar isagoo cuskanaya inuu muran ka taagan yahay cidda xilkan u tartami karta.

Hasa ahaate waxaa go’aankii madaxweyne Sall iyo baarlamaanka dalkaasi ee dib loogu dhigay xilliga doorashada guud waxba kama jiraan ka soo qaadday maxkamadda arrimaha dastuurka ee Senegal oo ku tilmaantay sharci darro.

Madaxweynaha ayaa wareysi uu shalay bixiyay ku sheegay in mudadiisa ay ku egtahay 2-da bisha Afaraad ee sanadkan.

Waxaa uu soo afjaray tuhun laga qabay inuu muddo kororsi sameeyo.
Hasa ahaate, waxaan caddeyn in xilligaasi ka hor madaxweyne cusub la dooranayo iyo in kale.