Waddamada caalamka oo Maraykanka cambaareeyay.

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa dowladda Maraykanka ku dhaliilay in ay awoodda diidmada qayaxan u adeegsatay codeyntii golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ee ku aaddanayd in ay xabbad joojin degdeg ah ka dhaqan gasho Qaza.

Wadamo ay kamid yihiin Ruushka, Qatar, iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa tallaabada ay qaadday xukuumadda Washington ku tilmaamay mid laga xumaado.

Waxaa xabbad joojinta Qaza codkooda ku taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay halka Ingiriiska uu ka gaabsaday codeynta.

Duqeymaha Israa’iil ay ka wado Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore lagu dilay in ka badan 29,000 qof oo Falastiiniyiin ah.