Chelsea Oo Kaalinta SADDEXAAD Usoo Dhaadhicisay Manchester City Xilli Uu Rodri Guul-darro Ka Badbaadiyey Guardiola

0
147

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa usoo dhacday kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, kaddib barbarro niyad-jab ahaa oo ay la gashay Chelsea oo marti ugu ahayd Etihad Stadium, taas oo waqti dambe ay ka tuugeen barbarraha oo uu u keenay Rodri.

Ciyaar si adag loogu dagaallamay oo ay Chelsea muujisay inay ciyaartoydeedu si dhab ah iskula soo qabsanayaan ayaa waxa qaybtii hore hoggaanka qabatay Chelsea oo uu gool qurux badan u dhaliyey Raheem Sterling oo fuliyey codsigii tababare Mauricio Pochettino ee ahaa inuu ku dabbaal-dego Man City.

Manchester City ayaa goolkeeda barbarraha keentay dhamaadka ciyaata oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana ay sidaas Sky Blues ugu soo dhacday kaalinta saddexaad iyagoo afar dhibcood ka dambeeye Liverpool oo hoggaanka haysa.

Manchester City oo si xooggan ku bilaabatay ciyaarta ayaa bilowgiiba kubadda ka ilaalisay Chelsea, laakiin Blues ayaa iyaduna waxay si adag u ilaashatay khadkeeda difaaca oo ay Diasi iyo Colwill.

Doku iyo Alvarez ayaa kubbado halis ahaa ka khasaariyey Manchester City kuwaas oo haddii ay dhalin lahaayeen waqti horeba uu dabbaal-degi lahaa Pep Guardiola, laakiin taageereyaasha Chelsea ayaa u qaadan waayey sida uu noqday Jackson oo lumiyey laba kubbadood oo uu la hortegay goolka oo uu u dhiibay goolhaye Ederson, halka Sterling uu isaguna lumiyey kubbad ay xataa difaacyahannadau ka fogaayeen.

Daqiiqaddii 42aad ayay Chelsea u dabbaal-degtay goolkeeda ciyaarta ee dhibicda u go’aamiyey markaas oo kubbad uu garabka midig kasoo tuuray Jackson ay lugta u gashay Sterling oo xerada ganaaxa lasoo galay isla markaana dhinaca ka dhigay goolhaye Ederson.

Waxay Blues u dhowaatay inay hoggaanka kusii dheeraysatao kubbad kale oo ay goolhayaha dhaafiyeen, taas oo goolka dhaxdiisa uu kasoo qabtay Ake oo madax kusoo celiyey.

Manchester City ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad waxa ay culays badan saartay goolka Chelsea, iyadoo Pochettino uu safkiisa dambe sii xoojiyey.

Tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ayaa ku ahaa Chelsea kuwo adag iyo waqti dheeraaday oo saacado la ahaa.

Erling Haaland ayaa kubbad loo dhigay goolka hortiisa ku qabtay madax oo khasaariyey, sidoo kalena Doku ayaa uu nasiibku diiday oo dhawr jeer darbado ku ganay goolka.

Daqiiqaddii 83aad ayaa kubbad ay difaaca Chelsea iska soo saareen, waxa xerada ganaaxa bannaankeeda ka helay Rodri oo darbad xooggan oo lugta bidix ah ku celiyey, waxaanu ku hubsaday shabaqa Chelsea iyadoo kusii dhacday ciyaartoy kale.

Labada kooxood ayaa ku heshiiyey barbarro 1-1 ah, taas oo ka dhigan in labadan kooxood ay labadii jeerba xilli-ciyaareedkan barbarro galaan, waxaanay kulankoodii hore ee Stamford Bridge ee horraantii xilli-ciyaareedka kusoo kala baxeen 4-4