Goobaha codbixinta Pakistan oo soo xirmay.

0
117

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Goobaha codbixinta ayaa la soo xiray doorashada guud ee Pakistan, oo ay hareeyeen rabshado goosgoos ah iyo mucaaradka oo cambaareeyay joojinta adeegyada taleefannada gacanta iyo internetka.

Xisbiga PTI ee ra’iisul wasaarihii hore ee la xiray, Imran Khan, ayaa ku tilmaamay in si ula kac ah loo caburinayo xuquuqda muwaadiniinta.

Maamulka ayaa sheegay in talaabdaas ay sabab u tahay amniga oo sii xumaanaya.