Hoggaamiyaha Jarmalka oo ka digay kororka shabakadaha neo-Nazi.

0
186

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa muujiyay walaaciisa ku saabsan khatarta sii kordheysa ee xagjirnimada midigta fog ee Jarmalka, gaar ahaan maalinta Xuska Holocaust.

Khudbad hore loo duubay oo lagu xusayay xoraynta Auschwitz, ayuu Scholz kaga digay “Naasiyada neo-Naasiyiinta iyo shabakadahooda” wuxuuna dadka ku boorriyay inay la la dagaallamaan cunsuriyadda iyo nacaybka.

Kumannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Dusseldorf dhammaadkii isbuucii hore iyagoo qeyb ka ahaa mudaaharaadyo isdaba joog ah oo looga soo horjeedo midigta fog.

Mudaaharaadyadan ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xubno sare oo ka tirsan xisbiga midigta-fog ee Alternative for Germany (AfD) ay ka qaybgaleen doodaha ku saabsan masaafurinta muwaadiniinta ajnabiga ah.