Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Qorshaynta maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ee dowlada Jubbaland ayaa maanta qabatay kulan wadatashi ah oo lagaga hadlayey wajiga saddexaad ee Mashruuca horumarinta u adkeysiga Wadajirka ah islamarkaana lagu falanqeynayay guulaha laga gaaray mashruucan oo wajigiisa saddexaad uu ka socdo degmooyiinka gobolka gedo.
Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada shaqaalaha wasarada qorsheynta jubbaland ayaa sharraxad kabixiyay shirkan iyo ahmiyadda u xambaarsanaa.
Ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii wadatashi looga sameyn lahaa ee mashruucan kaas oo ay maalgalineyso dowlada garmalka iyadoo diirada lagu saarayo hawlaha waxbarashada, nafaqeynta iyo dhaqaalasiinta dadka barakacayaasha ah.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya