Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay shir weyne looga hadlayay 138 Guri oo xalka waara ah kuwaa oo laga hirgaliyay deegaanka Luglow oo dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.
shirkaan oo is xog wareeysi iyo fikrad uruurin ahaa ayaa daarranaa ka tashiga qaabka qorshaha dib u raridda iyo dib u dajinta qaxootiga kusugan kaamamka gudaha magaalada kismaayo.
Shirkan ayaa si wayn looga dooday sida waxyaabaha ka dhiman guryaha xalka waara si deg deg ah loogu dhameystiri karo, iyo dowrka hay’adaha kaso qeyb galay shirka ay ka qadan karaan in guryahaasi loo raro dadka Barakacayaasha ah.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya