Maamulka Dhoobley oo ku dhawaaqay bilaabidda Garoon diyaaradeed cusub oo laga hirgalinayo Degmada

0
84

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka degmada Dhoobley ayaa ku dhawaaqay bilaabidda Garoon diyaaradeed oo cusub kaasi oo laga hirgalinayo Degmada.

Garoonkan ayay rajeynayaan maamulka iyo shacabkuba in ay kaga kaaftoomaan kan hadda la isticmaalo oo ah mid u nugul Roobabka xoogan ee mararaka qaar ka da’a Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Mudooyiinkii u danbeyay ayaa waxaa si Weyn u saameyay Garoonka Fatahaadihii Roobabka Deyrta oo Guud ahaan Dalka saameysay taasi oo keentay in ay istaagaan Dulimaadyadii sida maalin laha ah u iman jiray waxayna saameyn ku yeelatay Dhaqaalaha Degmada iyo Bulshadii ka dhoofi jiray Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobley.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya