Maamulka Jaamacadda Shifa oo Muqdisho ku qabtay bandhiga Sanadlaha ee wax soo saarka Dalka.

0
68

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Jaamacadda Shifa ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta qabtay bandhiga Sanadlaha ee wax soo saarka Dalka kaasi oo lagu muujinayo sida looga faa’iideysan karo wax soo saarka Dalkeena.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Jaamacada Ardayda Aqoonyahano kala duwan iyo Marti Sharaf kale iyadoo Ardayda Jaamacada ay soo bandhigeen Dalagyada ka soo go’a Dalka iyo faa’iidooyinkooda.

Maxamed Xasan Cali Caloora oo Xubin ka ah Hay’adda Caafimaadka Aduunka iyo Qaar kamid ah Dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada ayaa ka hadlay Muhiimada ay leeyihiin dalagyada ka baxa Dalka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Shifa Parfasor Cumar Maxamuud Ibraahin Cumar Hani ayaa ka hadlay ujeedada loo qabto Bandhigan sanad la’ha ah ee lagu xoojinayo wax soo saarka Dalka.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa ka warramaya