kulan looga hadlayay deeqaha aan sidii la rabay loo maaraynin oo lagu qabtay Dhoobley

0
94
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa degmada Dhoobley ku qabatay kulan isla xisaabtan ah oo looga hadlayay gargaarka iyo deeqaha aan sidii la rabay loo maaraynin.
Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay hay’adaha maxalliga iyo kuwa dowliga ah, waxaana qayb ka ahaa maamulka degmada Dhobley iyo Marti sharaf kale.
Ujeedada shirka ayaa ahayd sidi loo maarayni lahaa gargaarka bani aaddanimo iyo in dabagal lagu sameeyo hay’adaha bixiya gargaarka loogu talo galay dadka barakacayaasha.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya