Shir ku saabsan horumarinta beeraha oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo

0
58
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland Ugaas Cali Aadan SoNkor oo uu wahelinayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa daahfuray shir lagaga hadlayey horumarinta tayada abuurka beeraha ee leh adkaysiga joogatada ah ee is-badalka cimilada iyo xoojinta awoodda wax-soosaarka beeralayda Jubbaland.
Shirka oo u dhaxeeyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada iyo beeraha FAO, daneeyeyaasha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee arrimaha samafalka iyo sidoo kale shirkadaha ka shaqeeya ka ganacsiga abuurka beeraha ayaa lagaga dooday sidii garab istaag dhamaystiran oo dhan walba ah loogu samayn lahaa beeraalayda ay Tacabkoodii baabi’iyeen fatahadaha Elniino iyo siidii loo dhiirigalin lahaa adeegsiga abuurka gudaha dalka si loogu daneeyo beeralayda Soomaaliyeed.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya