RASMI: Liverpool Oo Shaacisay Waqtiga Ay Ka Tegayaan Mohamed Salah Iyo Wataru Endo

0
100

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liveprool ayaa shaacisay, in xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah uu ka tegi doono kaddib ciyaarta Newcastle United ee Isniinta ee horyaalka Premier Leagie, waxaana uu tegi doonaa xulka qarankiisa ee ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Afrika.

Masar ayaa waxa ay ciyaarteeda koowaad ee tartanka Afrika ay ciyaari doonaan January 14 oo ay finalka gaadheen labadii jeer ee ugu dambeeyey, waxaana ka horreyn doona tababar ay ku samayn doonaan dalkooda ka hor inta aanay u duulin Ivory Coast.

Mohmaed Salah ayaa ka maqnaan doona ugu yaraan toddoba ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay ku jiraan kulamada muhiimka ah ee Chelsea iyo Arsenal.

War-saxaafadeed ay soo saartay Liverpool ayaa lagu yidhi: “Mohamed Salah waxa uu la midoobi doonaa xulka qarankiisa Masar ee Koobka Qaramada Afrika, kaddib ciyaarta Liverpool ee Newcastle United.”

Liverpool ayaa waxa sidoo kale ka tegi doona xiddiga reer Japan ee Wataru Endo oo uu dalkiisa kala qayb-galayo ciyaaraha Asia Cup, taas oo keeni doonta in uu ugu yaraan shan ciyaarood ka maqnaado garoomada.

Jurgen Klopp oo la hadlay saxaafadda ayaa yidhi: “Qorshe kasta oo waqti dheer ah oo aan sameeyo, waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay ciyaartoyda aanu haysanayno, sidaa daraadeed ayaan uga fikiraa October iyo cidda aan isticmaalayo January, marka uu Mohamed Salah naga tegayo oo aanan sidoo kale garanayn cidda aanu haysanayno?

“Maanta waxa na haysata xaaladdaas, waxaanan rajaynayaa in aanu geli doono kaddib ciyaarta Newcastle. Ma aha markii ugu horreysay, laakiin waa xaalad caadi ah in aad lumiso ciyaartoy goolal kuu dhalinayay, balse waxa ay nagaga sii xumayd markii ay naga tegi jireen Sadio Mane iyo Mohamed Salah.”

Waxa kale oo uu Jurgen Klopp ka hadlay bixitaanka Wataru Endo, waxaanu yidhi: “Waxa kale oo aany haysannaa Wataru Endo oo ka qayb-gelaya ciyaaraha Asia Cup. Waanu sii ogeyn in ay sidaasi dhacayso, waananu la tacaalaynaa.”