Xiddigii Garoonka Ee La Isku Qabsaday, Ceebta Loo Diiwaangeliyey Zinchenko Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool vs Arsenal

0
67

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa sii xajisatay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay barbarro 1-1 ah lasoo gashay Liverpool oo ay ku booqatay Anfield, halkaas oo muddo 11 sannadood ah aanay wax guul ah kasoo helin.

Gunners ayaa gool degdeg ahaa ku furtay ciyaarta daqiiqaddii 4aad iyadoo Gabriel Magalhaes uu madax awood badan la haleelay kubbad koorne ahayd oo uu soo tuuray Martin Odegaard.

Laakiin Mohamed Salah ayaa gool qurux badan ku barbarreeyey ciyaarta isla qaybta hore, iyadoo laacibka reer Masar uu helay kubbad uu masaafo fog kasoo tuuray Trent Alexander-Arnold, isla markaana uu kusoo silciyey Oleksandr Zinchenko ka hor intii aanu darbad xooggan ku liishaamin goolka.

Ceebtii soo gaadhay Zinchenko

Difaaca bidix ee reer Ukraine ayaa noqday laacibkii ugu liitay garoonka isku-darka labada kooxood. Waxa uu helay qiimayntii ugu hoosaysay oo ahayd darajada 5, laakiin waxa usii dheeraa canaan kaga timid falanqeeyeyaasha ciyaaraha.

Telefishanka Sky Sports ayaa falanqeeyeyaashii ka daadihinayay ciyaartu waxay isku raaceen in Zinchenko aanu ahayn difaac wanaagsan oo dhinaciisa ay kooxdu ka nabadgelayso marka laga xoog-roonaado.

Xiddigii garoonka ee la isku qabsaday

Premier League waxa uu xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta siiyey Mohamed Salah oo dumiyey baasha bidix ee Arsenal, sidoo kalena dhaliyey goolka barbarraha, laakiin Sky Sports oo baahinayay ciyaarta ayaa waxa uu xiddignimada ciyaarta ku maamuusay difaaca Arsenal ee William Saliba oo laf dhuungashay ku noqday weerarka Liverpool.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Liverpool: Alisson (7), Alexander-Arnold (8), Konate (7), Van Dijk (8), Tsimikas (6), Endo (7), Szoboszlai (7), Jones (6), Salah (8), Gakpo (7), Diaz (6)

Beddelka: Gomez (7), Nunez (6), Elliott (6), Gravenberch (6)

Arsenal: Raya (7); White (6), Saliba (9), Gabriel (8), Zinchenko (5); Rice (8), Odegaard (7), Havertz (6); Saka (7), Jesus (7), Martinelli (6)

Beddelka: Trossard (6)