Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qoysas Gaaraya ilaa 500 oo Qoys oo ka barakacay Deegaanada iyo Degmooyinka ay saameynta ku yeeshaan Fatahaadaha Wabiyada Dalka oo Gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in ay dhibaatooyin la kulmeen ka dib Markii Guryahoodii ay Daadadkii qaadeen.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Deegaanka Garasbaaley ee Gobalka Banaadir Cabdullaahi Yuusuf Xasan ayaa waxaa uu ku baaqay in la soo kormeero Dadkan xaalkoodana la soo eego islamarkaana Gurmad Bini’aadanimo loo soo fidiyo.
Qaar kamid ah Dadkaasi oo Warbaahinta la hadlay ayaa kawarbixiyay dhibaatooyinka nololeed ay qabaan iyo Goobaha ay dagan yihiin iyo Gurmadka Bini’aadanimo oo ay u baahan yihiin.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya