Deeq Raashiin ah oo loo qaybiyay kumanaan qoys oo ku nool Deegaanada Waqooyiga Kismaayo

0
167

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gudddiga gurmadka fatahaadaha Jubbaland oo kaashanaya Hay’adda Qaqootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa maanta deeq Raashiin ah u qaybiyay Kumanaan qoys oo kasoo barakacay gobolka Jubbada Dhexe iyo degmada Jamaame.

Deeqdan Raashiinka ah oo ka timid dal waynaha Ruushka taas oo Soomaaliya ugu deeqday kumanaan tan oo Qamadi ah ayaa qaybta Jubbaland kaga soo aaday wajigii ugu horreeyay maanta loo qaybiyay 8,300 oo qoys kuwaas oo ay xaaladoodu aad u liidatay.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland ahna Guddoomiyaha Gudiga Gurmadka Fatahaada Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa markii Deeqda la qeybiyay ka dib la hadlay Warbaahinta isagoo xusay in la sii wadi doono dadaalka ay Dowladu ku dooneyso in lagu garab istaago Dadka tabaaleysan.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya