Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Gaargaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka Jubbaland ayaa deeq Raashiin ah oo dhan 1100 Tan ku wareejisay Hay’adda Qaqootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland iyo Maamulka degmada Kismaayo.
Shixnadan gargaarka ah ayaa ah Qamadi laga soo dajiyay Dekedda wayn ee magaalada Kismaayo taas oo ay ku deeqday dowladda Ruushka iyadoo ka qayb qaadanaysa gurmadka loogu jiro samatabixinta iyo u gargaaridda dadka ay daadadka iyo Fatahaaduhu saameeyeen.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaqootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa Sheegay in Deeqdan sidii loogu talagay ay u gaarsiin doonaan Dadka danyarta ay dhibaatadu saameysay.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya