Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Michael Emenalo oo ah madaxa horyaalka waddanka Sucuudiga ee Saudi Pro Leagueayaa shaaciyey afar ciyaartoy oo ah xiddigo waaweyn oo ay kooxaha Sucuudigu doonayaan in ay la saxeexdaan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, kuwaas oo ay kasoo qaadanayaan kooxaha Yurub.
Emenalo oo intii u dhaxaysay 2011 illaa 2017 ahaa agaasimaha farsamada ee Chelsea ayaa horraantii sannadkan loo magacaabay inuu madax ka noqdo horyaalka waddanka Sucuudiga.
Michael Emenalo oo u dhashay waddanka Nigeria ayaa xagaagii waxa uu dhalan-rogay horyaalka Sucuudiga oo uu ka caawiyey kooxaha dalkaas inay la saxeexdaan xiddigo waaweyn, sida Neymar, Fabinho, Riyad Mahrez, Aleksandar Mitrovic iyo Sadio Mane.
Suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January ee foodda inagu soo haya, waxa kooxaha Sucuudiga si weyn loola xidhiidhinayaa Mohamed Salah oo Liverpool ah, laakiin ay u badan tahay in aanu ka bixi doonin Anfield waqtigan.
Salah oo 11 gool oo Premier League ah u dhaliyey Liverpool xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa la sheegay in ay Al-Ittihad ku doonayso £150 milyan oo Gini, waana isla lacagtii ay hore ugu bandhigeen Liverpool xagaagii.
Emenalo oo la hadlay telefishanka Sky Sports, ayaa waxa uu sheegay, in Mohamed Salah uu hormood u yahay xiddigaha ay doonayaan inay keenaan Sucuudiga, sidoo kalena Kevin de Bruyne iyo Lionel Messi ayaa ay isku deyi doonaan in ay keenaan suuqa January ama xagaaga.
Ciyaartoyga kale ee ay diiraddoodu saaran tahay waa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedka, kaas oo xagaagii iska diiday dalab rikoodh jabis ahaa.