Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland mudane Mukhtaar Kaamil Kuulow ayaa maanta xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyey iskuulka Hoose, Dhexe ee deegaanka Kudhaaa oo hoostaga degmada Badhaadhe.
Iskuulkan oo ay dhiseen Ciidamada ATMIS ayaa waxaa munaasabaddiisa ka soo qayb galay Saraakiil ka tirsan ciidanka ATMIS.
Maamulka deegaanka Kudhaa iyo maamulka iskuulka ayaa si weyn usoo dhoweeyey tallaabada dhismaha loogu kordhiyey iskuulka deegaanka.
Khadar Axmed Salaan.ayaa fah-faahinaya