Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta soo af-meeray kormeer uu maalmihii la soo dhaafay ku samaynayay dhammaan Wasaaradaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Kormeerka madaxwayne ku xigeenka ayaa u jeedkiisu ahaa u kuur galidda shaqada Wasaaradaha kala duwan ee Jubbaland, isagoo warbixinno ka dhagaystay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaarad walba, si loogula xisaabtamo shaqada ay bulshada u hayaan.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya