Wasaaradda Gar gaarka Jubbaland oo kawarbixisay Saameynta fatahaada iyo Dadadka Roobka Jubbaland

0
176

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wareysi uu siiyay Mar sii horeysay Warbaahinta Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cusmaan Jaamac ayaa Sharaxaad ka bixiyay dhibaatada Fatahaadaha iyo Daadadka Roobka waxyeelada dhimashada Barakaca iyo Burburka hantiyeed ee uu ka geystay Guud ahaan Jubbaland.

Wasiirka ayaa Sheegay in Wasaaradu ay soo saartay ka hor inta aysan dhicin dhibaatada Digiino ka dhan ah khatarta halista badan ee Elnino balse Bulshada ay dhayalsanayeen Digiinta la siinayay.

Maxamed Cusmaan Jaamac Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa xusay in fariimo Wacyigalin ah ay Bulshada u marinayeen Warbaahinta Dowlada Kuwa madaxa banaan iyo Shirkadaha Isgaarsiinta oo fariin codeed ugu gudbinayay Tilifoonadooda.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya