Qoysas ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobka dayrta oo deeq Raashin ah loogu qeybiyay Beydhabo

0
71

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Deeq rashin ah oo ka timid Boqortooyada Sucuudi Arabia Qeybna ka ah Gurmadka Bini’aadanimo ee Dadka sida aadka u saameyeen Fatahaadaha iyo Daadadka ku dhuftay Qeybo kamid ah Dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa ka faa’iideystay 1000 qof kana mid ah dadka ay aadka u saameyeen Fatahaadihii ku dhuftay KGS.

Goobta loogu qeybinayay Deeqdan Rashinka ah ayaa waxaa Goob joog ahaa Masuuliyiin kala socday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka KGS Maamulka Gobalka Baay iyo midka Magaalada Beydhabo Wakiilo ka socday Hay’adda Tadaamun oo inta badan ka shaqeeysa arimaha Samafalka Wakiilna uga ah Boqortooyada Sucuudiga gaarsiinta Deeqdan Dadka Danyarta ah.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya