Guddoomiye ku xigeenka Degmada Kismaayo oo ku baaqay u gurmashada dadka Barakacayaasha.

0
95
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowlada Hoose ee Degmada oo ka hadlay xaalada Binaa’aadanimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee Elnino iyo fatahaada uu wabiga Jubba ka gaaystay Deegaanada iyo Degmooyinka Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa sheegay in dadka ku nool Deegaanada dhanka waqooyi ka xiga Kismaayo ee uu ku fatahay ay wajahayaan xaalad adag oo dhan walba ah .
Daahir Xuseen Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Kismaayo ayaa sheegay in Deegaanka Goobwayne oo kismaayo u jira 13 KM uu hada ka mid yahay meelaha ugu daran ee wabigu ku soo fatahay, Hay’addaha Samafalka iyo Ganacsatada reer Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay ka qayb qataan gurmadka dadka daadadka iyo fatahaaduhu Saameeyeen ee soo Barakacay.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa