Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeer howleed ku tegay Degmada Afmadow

0
78

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda beni’aadannimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Afmadow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow, kaa oo uu ku tilmaamay mid guul u ah bulshada deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in degmada Afmadow ay tahay magaalo leh taariikh fac-weyn, tallaabadan lagu dhisayo garoonka cusubna ay tahay mid dib loogu soo celinayo taariikhdii iyo kaabeyaashii horumarka ee ay degmadu lahayd, isaga oo u mahadceliyey hey’adda gacanta ku siineysa dhismaha garoonka.

 

Mudane Xamsa ayaa sheegay in degmada Afmadow laga hirgelin doono adeegyadii bulshada ee ay ugu horreeyaan Isbitaalladii iyo goobihii Waxbarashada.

Munaasabadda lagu dhagax-dhigayay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee degmada Afmadow, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, maamulka degmada iyo masuuliyiin ka socday hey’adda garoonka dhisaysa.